vendredi 8 mai 2009

SOOMAALI IYO XABASHI


A) HORDHAC:

Qoraalkeygan waxa sobobey Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka hadlaya waxa ugu magac daray “Gardarrada Ethiopia & Xasuuqa shacabka Soomaaliyeed” oo aan dhowaan ka daawaday shabakadda Saylicipress.net. Shirkaas oo la qabtay, sida sawirka ka muuqata, 2007dii, laakiin anigu dhowaan aan daawaday. Inkasta oo murtida hadalka C.I. Samatar (oo ah aqoonyahan weyn ah) aan u qushuucay, hase yeeshee waxaan ka soo horjeedaa in uu nin heerkaas ihi istimaalo ereyga Itoobiya! Walaaca aan ka qabo isticmaalka ereygaa (oo maanta la iska qoro amma la’iskaga dhawaaqo fiirsi la'aan) iyo cawaaqibka dambe ee uu ku yelandoono jiritaanka iyo qarannimada Soomaalida ayaa keenay inaan qayladoontan idiin soo qoro. Bal markaa, waxaan idiin soo hormarinayaa shantan su'aalood.

  1. Horta ereyga Itoobiya (Ethiopia) goormaa la sameeyay?
  2. Ayaa sammeeyay?
  3. Ujeedadee laga lahaa, walina laga leeyahay?
  4. Guud ahaan, iyo gaar ahaanba, ayay dani ugu jirtaa isticmaalkiisa?
  5. Qofka soomaaliga ah, meeshuu doono ha joogo, mawqifka siyaasadeed ee uu doonona ha yeeshee, maku haboontahay inuu afkiisa ka yidhaa ereygaa, oo, uu si ismoogaan ah, amba u kas ahba, u siiyo aqoonsi iyo sii fidin?

Walaayaal su'aalahaa jawaabohooga sii balballaadhinmaayo (waxaan u dhaafayaa aqoonyahannada soomaliyeed ee taarikhda ku takhasusay). Laakiin bal hadana heerkayga, ereygaa iyo soomalida xaalkeega guud, iyo waliba, dagaalka sokeeye ee cusub ee naxdinta leh ee kasoo huraya xuduudaha degmooyinka Baki iyo Gabiley iyaan afkaarteyda ka dhiibanayaa.


B) EGEYGA ITOOBIYA IYO AAYAHA DAMBE:

Ereygaasi walaalayaal afkayga waan ka dhawraa. Shaqsi ahaan, anigu waxaan isticmaalaa ereyga TALLISKA XABASHIDA amba GUUMAYSIGA MADOOW (waxaan u malaynayaa inaan kasii joogo abuurro dabar go'ay) markaan magacdhabayo talliska ka dhisan AADDIIS. Qoomiyadaha ku hoos nool gumaysigaana, waxaan ku magacaabaa mid walba waxay sheegato ama hore loo odhanjiray sida : Oromo, Soomali, Guraage, Cafar, Amxaar, iwm).

Xabashi, waa erey kasoo taagan Abisiiniya (Abysinia). Waxaanu ku koobna Axmaarada iyo Tigrayga oo ahaa kiristan (christian) laakiin, Reer Yurub iyaa Abisiiniya magacii ka bedelay markay aduunka qaybsanyeen oo u bixiyay Itoobiya si, ay diinta kiristanka (oo doormood ka ayayd hubka ay u adeegsanayeen, walina u adeegsadaan, gumaysigooda) ay ugu helaan garab iyo gashaan.

Sidaa awgeed, waxay reer Yurub aduunyadda ka dhaadhiciyeen inuu jiro waddan weyn oo xaddaarad iyo taariikh dheer le. Wadankaaas oo boqortooyadiisu ku ab-tirsato (CS) Nabi Saleebaan. Waddankaa oo waligii xor ahaa, boqortooyadiisuna xoraysay Afrikada kaloo idil... Iyadoo weliba, si geesinimo leh, u daafacday una xoraysay, dabadeedna midaysay ummadiihii jaahilka iyo cawaankaba ahaayee dariska la ahaa...

Sheeko xariirkaa iyo magaca Itoobiya (oo ah erey hore u jiray, macnihiisana muran badani ka taaganyahay) iyaa la’isku geeyey, taariikhna looga dhigay Abisiiniya si looga hortago islaamnida ooy ay qateen soomalida iyo ummado keleba, carabta badankeega ka hor, siina fidaysay cisho walba. Walaalayaal, aduunyada laba “masjid qiblateyn” baa jirey e, bal ka Madiina ka ku yaal moyee, kii kele mee? Waa su’aal kele.

Han u soo noqdo ujeedadayda maanta… Si qorshahaa guumeysteyaashu u hir galo awgeed, waxa mihiim noqotay in Abisiiniya la xoojijo, dhulka loo ballaadhiyo, oo badna loo radiyo. Sheeko xarirkaa iyo ereygaaba, markaa, waxay labaduba hormood ka yihiin loona sameeyay qorshahaa. Sidii loosoo waday, waxa loo bedelay, si tartiib-tartiib ah, taariikh dhab ah. Aduunkoo dhanna maanta laga rumaysanyahay.

Layaab male aduunyada kele ee fog, kolba reer Yurub filinkii ay sameeyaan in laga daawado dabadeedna laga rumeysto. Waxase layaab mudan sida soomaalida qaar uga indhalaayihiin, inta wax ogna qaar indhaha uga dadbayaan badankoogu arrintaa. Siiba, saxaafadda iyo aqoonyahannada. Ma arag, mana maqal, waayahan dambe adeecad amba jariidad aan boqolaal goor maalin walba ku cel-celin ereyga Itoobiya. Waa ayaan darro. Sheekaduna ma cusba, oo, way qoto dheer tahay.

Waxaan xususnahay hees la odhan jiray 'Rastaman Vibration' oo uu lahaa fannaankii Bob Marley oo ku bilaabanaysay “Greetings upon the name of H.I.M. Haile Selassie the 1st...” oo, lagaga ciyaarrayo meel la odhan jiray 'Teeraaso' oo ku taallay Xamar, bilawgii sideetanadii! Taasi waxay ka marag kacaysaa halka is moogaantu illaa in muddo ahba inaga wada gaadhay: carrur, cirrole, wadaad, waranle, indheergarad, aqoonyahan… rag iyo dumar intaba.

Waa bilowgii siddeetannadii... dhawr sano ka dib dagaalkii. Iyadoo weli, cidankii soomaliyeed lafihiisa waraabuhu ku sii jajabsanayo banka Jig-Jigaad. Waa bilowgii siddetannadii… dhawr sano ka dib dagaalkii. Iyadoo wali, diyaaradahii (Caasha waal) ee xabashida iyo xulifadeedii sida Ruush, Cuuba, Yaman, iyo Liibiya ay si joogto ah weli u rushaynayaan dalkeena dhamaan inta u dhow xuduuddaha gumastayaashu inagu kala qoqobeen. Waxaan xusuusnahay argagaxisadii iyo dhimashadii oo si joogta ah uga socda magaalooyinka Gabiley iyo Boorame (oo aan u xagaa bixi jirrey) oo magaalooyinkeena waaweyn ee kelena lagaga ciyaarayo magacii Xayle Salaase!


C) AFKAARTAYDA ARRIMAHA SOOMAALIDA (GUUD IYO GAAR):

Walaayal, waxaan anigu ka mid ahay dadka intooda afkoogu juuqda gabay. Sobobtoo ah, aad bay u adag tahay sida loola hadlaa umad bilaa xusuus ah. Gaar ahaan siyaasiyiinta, saxaafadda iyo dadka debedda ku nool. Dadka gudaha ayaa dadka debedda dhaama, oo wali u dhego nugul wixii gar ama daw ah, sidaan ku soo arkay dhowaan qeybo ka mid ah dalka. Waxa kaloo aniga igala sii adag, in qayb laga noqdo dagaal sokeeye. Dadbaa ku faana dawlad (Somaliland) iyo nabad baan dhalinay. Anuu kuma faanee se waan ku farxaa. Laakiin, durba wattaa rasaastu ka dhaw-dhawle Ceelbardaale. Sobobtuna waxa weeye, qas abuur oo nabada geed ku laal, si aad kursiga usii haysato. Waakaa siyaasigu sida Daahir Riyaale oo ahaan jirey, sidaan maqlay, sarkaal NSSta ah maantana madaxweyne u ah ummadii taliskuu basaaska u ahaa qoryaha iskugu dhiibey.

Way jirtaa in umadaha dariska, gaar ahaan kuwa walaalaha ah sideenna, had iyo jeer, danaha iyo khilaafka u dhexeeyaaba ay dadan yihiin. Laakiin, maxaa keenay in khilaafka uun xooga la saaro meel walba, oo inta badan laga tago danaha? Run ahaantii, laba walba intay dadka kele iskaga dhawdahay in leegbuu jaafaajiriqooguna ka badan yahay ka dadka kala fog. Soomalida iyo Reer Siyeera Liyoon (Sierra Leone) bal waligood ha islaayaan! Maxay isku layn, waxba kama dhexeeyaan eh! Way jirtaa in dadka walaaha ah damac iyo dacarba ay isku dilaan illaa Haabiil iyo Qaabiil. Bal eega hadda waalid iyo ubadkood, nin iyo naagtii… Bal eega hadda illaa carrab iyo labadiisa daan waxay isku hayaan qaniinyo! Ha se yeeshee, halkaay kala tegi? Halkeynu kala tegi walaalayaal?

Maanta siyaasiyiinteenu khalad bay khalad ku saxayaan. Nin walba gobol inuu gooni u goosto xabashiduna ku ilaaliso ayuu dan mooday (Jubaland, Puntland, Waxbaland...). Isagoo waliba, gobolada kele xukuumadaha ay samaystaan, u arka cadaw, oo gaalada ku cad iyo ku madawba ku le “anuu waan fiicanahee kan (amba kuwan) kele ayaa xun”.

Khaladadii xukuumadihii hore ee Soomaliya ay shalay galeen baa keenay in nimankaa maanta la dhegeysto. Umaddeenii (ta dalka joogta iyo tu debed joogtaba) waxaa dan looga dhigay inuu ruux walka ka kele u faano, oo keli ah. “Waar / Naa annagu calan iyo lacag gaar ah baanu leenehee, maxaad noo sheegaysaa.?” Kii aan isagu weli labadaa yeelanna wuxu markaa raadsanayaa dab iyo xulifo shisheeye, si uu faanka wax ugu yeesho, ilayn waa soomali eh. Qandaraas furanna wuxuu siinayaa xabashi, kuukuuyo, carab iyo kuwo kasii fog. Dood iyo xal rasmi ah wali fari kama qodna. Caddaaladna hadalkeedba daa!

Siyaasiguu waa shaqsi. Suxuufigu waa shaqsi. Aqoonyahanku waa shaqsi. Intuba ummaddooda badankeega uun banay sawaabiyaa. Ummaduna waa inaga gabigeen. Kuwo carshiga kasoo degaya oo inoosoo socdaa ma jiraan. Markaa dambiga waan wada qabnaa laakin nin walba mid kaluu farta ku fiiqayaa oo kiisa ma aqbalayo.

Walaalayaal, afkeenii, aragtideenii iyo afkaarteenii intuba way isbedeleen, Waxaynu gabi noqonay markaa, ummad cajalad (naastaro) madhan ah. Nin ujeedo dheer leh, oo shisheeye ihi, gabigeed yeeshay, isogoo kolba wixii isaga u dan ahna, ku kaydsanaya. Illaa xiitaa dharkeeni iyo wajigeenii baa is bedelay. Labbiskii gaalada, kii afghanistaan, kii sucuudiga iyaa maanta la'iskugu faanaa oo “maxaad waxan u sidataa” amba “maxaad u qaadanweyday” marmar la isku dilaa.

Waxay ila tahay, wax Allah waxa aan isku dileyno iyo astaamaha aynu sidanno iyo, afafka aynu ku hadlaynaaba maanta dhamaantood waa kuwo shisheeye leeyahay, ama, dan u ah (Carab, Xabashi, iyo kuwo ka sii shisheeya). In xukuumaddii u dambayse ee soomaliya ay dad iyo duunyoba laysay intii kelena kala lumisay, waa marag ma doon. Lakiin Malas Sanaawi oo yidhi islaam nimada soomaliyeed “waa qodax ku turqan addimada Itoobiya” maxaa keenay in qareen inoo wada noqdo, turjubaanna inoo kala noqdo, aduunkana, damiin inooga noqdo? Isaga oo, maalintii Ilaahay soo godoba, dadka soomaliyeed ee taliskiisa ku hoos nool qaarna laynaya inta hadhayna ceelasha ka sumamayna. Walaalayaal, maxaa xanuunkiisa ka sahlay kii xukuumaddii Siyaad ee u dambeysay?

Xaq bay ahaayeen dagaalladii iyo kacdoonadii lagu qaaday xukuumaddii Siyaad. Gaar ahaan woqooyi oo askartiisu wixii ay samaynaysay ay wali sii muq-muuqdaan illaa maanta oo Daahir Riyaale madaxweyne ka yahay Hargeysa (halkuu rerku ka degi NSS baa xukuntee?). Waati la odhan jiray “wuxuu na baday wuxuu na baray baa ka daran”. Lakiin, Siyaad iyo xukuumaddiisii way ku dayeen. Markaa maxay u dhamaan laadahay dhibaatada meel walba inagu haysataa? Jawaabtu waxa weeye: qalwadii uu ka baxay ayuu mas kele galay. Maskuna waa Malas oo qareen laga dhigtay. Siyaad ka guur oo Mallas u guur, waa kud ka guur oo qanjo u guur.

Malas waa xabashi (waliba, waa ardaygii Siyaad). Xabashiguna qareen male laakiin daris wanaagsan weyi, haddii baqdin uu kaa qabo. Maanta baqdintii, waynu ka baabi'innay. Tariikh ahaan Afrikada bari, lama sheegin xabashiyi meel amba, cid ay qabsatay ooy ka kacday (bal Oromada eega intay dhul iyo tiro leeyihiin iyo, siday 4 qof oo xabashi ihi u haystaan!). Marka xeebaha Jabuuti illaa kuwa xuwa Baraawe ay dajida ku cabbaan, wallee yaa ka kicin? Waa su’aal kele.

Markaa, waxa weeyi in horta khaladadii hore wax lagu qaato oo aan lasoo celin. Yaan lasoo celin askar ka u sarreeya illa ka u hooseeya Xamar (amba meel kele) nin ka so magacaabo, ninkaas oo keli ahna ka amar qaata, una adeega. Laakiin maxaa lagu bedelaya? Ma Mareykan, Ingiriis, Faransiis, Talyaani, Yamani, Xabashi, Kukuuyo, Sucuudi iyo Talabaaniin baa ina kala jecel? Waa su'aal furan, aniga se, ilama aha.

Aaway dood iyo xal? Sowtii la odhanjiray “walaalkaa wiil ka yeelo wiilkaana walaal ka yeelo”. Tallada soomaalidu, sowtii siddaa weligeedba sidaa u dhelli tirrayd. Waa lasoo celin kara haddii aan la inagu lamaanayn oon isku keli iyo dacad nahay waayo isku dan baynu nahay. Wax Allah wixii lagu bededalayo tawraddi ee anay ku luglahayn xabashiyiba (ama shisheeye keleba) waa la socodsiin karaa. Aniguse waxaan odhan lahaa dawlado sida kuwa maraykanka ah oo wada madax banaan oo dabadeed isku baahaysta feederayshan (Federation) iyaa noqon kara xal. Federashankaa oo diffaaca, arrimaha debeda, amniga guud iyo lacag samaynta (Central Bank) wadaaga. Inta taa la gaadhayo, nin walba meeshiisa inuu xasiliyo, cadaaladna ka dhaliyo weyi.

Ugu dambayntii afkaartayda waxaan kusoo afjarayaa, dadka walaalaha ah ee degmooyinka Gabiley iyo Baki ee maanta rasaasta isku qaatay, away qarankii iyo qareenkii kala dhex geli lahaa? Askarigaa faqashta ee kursiga ku dhegen hadii la sugo, waa la dhiman, walaalayaal. Maxaa loo gelinayaa siyaasad iyo qabyaalad laba qof (ama 2 beelood) oo lexejeclo isku haya? Jawaab gaban bay leedahay su'aashaasi: kala qaybi oo iska horjeedi si aad u xukunto (Divide and rule). Min Ingiriis illaa Siyaad iyo maanta Malas iyo Daahir NSS ajaandahaasay ka wada simanyihiin, waana isku dan. Beelahaa walaalaha ah ee colaadda laga dhex ridayaa waa kuwii hadday heshiyaan wadanka xukumi lahaa (waayo tiro iyo tayo, labadaba, way leeyihiin hadday is raacaan).

Intaasi waa afkaar aniga gaar ii ah. Waanan ixtiraamayaa qofka soomaliyeed ee si madax banaan uga soo horjeeda, dooddana u maskax furan. Han usoo noqdo markaa isticmaalka aan la'iska fiirin ee ereyada qaar maanta socda sida Itoobiya, oon soo murtiyeeyo hadalkeyga.


D) HADAL IYO MURTIDII:

Dambaalkaygani markaa waa baaq aan ku waydiisanayo (kuna guubaabinayo) soomaalida dhamaan, gaar ahaan saxaafadda iyo aqoonyhanada, inay iska fiiriyaan isticmaalka ereyada qaar tariikhda bedellaya si kama dambays ah, sida ereyga Itoobiyoa.

Ereyadaa oo ay sameeyeen xulifo shisheeye oo uu ka dambeyo ajaande aan maanta laba maldahayn, sidii awel... Waxa aan lalaba xishoon, ama, lala biqin maanta, soomaaliyi inay tahay “qodax”, “Euro trash”, “welfare people”. Waxaasoo idil illaa innagii iyaa tartiib-tartiib la'inoo aqbalsiiyay. Waxaasoo idilna waxa ka dambeeya, sidaan hore ugusoo sheegay, qorshaha da’da weyn iyo dagaalka qottada dheer ee xabashida bad loogu raadinayo si ay gaashaanka ugu hayaan islaamnimada. Qorshayaasina ma hir geli karo burburkeena la'aantii.

Dagaalkoogasi waa laba geesood (sida uu Cabdi I. Samatar ba sheegay): mid kulul oo wali adag (soomaaligu haddu soojeedo, dhayal kuma liico) iyo, ku qabaw oo ka jilicsan. Walaalayaal, gumeysta yaashu ereyada ayay semeeyaan. Markaasay, dabadeedna, inoo dhiibaan. Markaasaan, innana sii fafinaa, innagoon iskaba fiirin... Dagaalkaa qaboboobi rasaasta uu isticmaalaa waa erey-bixin, qoriga ridaa uu yahay, qofka isticmaala. Markaa dee ha isku noqon qorigii ku dilayey! Ereyada 'Itoobiya' iyo 'Itoobiyaan' labaduba waa rasaas!

Tusaalo ayaan, Reer Israa’iil afka ma soo marinyaan ereyga Falastiin (Palestine) waxay isticmaalaan Samaari iyo Galiile markay magac dhabayaan dhulka ama ummadda magaa sita. Innaga markaa, maxaa inoo didey: guumeysiga madaw, imbaradooradda Abisiiniya, xukuumadda Malas Sanaawi, Xabashida... amba ereykasta oo aan tariikhday bedelayn si aanu u dugoobin jiritaankeenu?

Waad salaaman tihiin.

Xasan A. Aadan, Ottawa, Ontario.

hassan.aden@ncf.ca


*** Ku soo baxay shabakadda
'Saylicipress.net' 14kii Abril 2009.
*** Published in 'Saylicipress.net' April 14th, 2009.

Aucun commentaire:

Publier un commentaire