Walaalayaal, Waxan waayan dambe ku hawllanaa sooftweerkan aan ugu talo-galay barashada far-soomaalida. Waxan hadda idiin soo ban-dhigayaa milkan tijaabo ee koowaad. Imika ahaan, waxa aan shaki ku jirin inaan ujeedada barnaamijkani ahayn barashada afka ee ay ku koobantahay barasha farta oo keli ah (qoraal / akhris). Sidaa awgeed, ruuxa isticmaalaya softweerkani, waa inuu hore u yaqaan ku hadalka af-soomaliga. Waxa intaa ii dheer, hadii qaar idinka mid ahi ay rabaan inay wax kudarsadaan mashruucan ballaadhan, waxaan ku soo dhowayn doonaa gacmo furan. Ugu dambayn, softweerkani wali ku shaqayn maayo tabeleeda (tablets) iyo tilifoonada casriga ah ee ku shaqeeya Android, IOS, Blackberry OS. Hawshaa horowmarineed oo meelo badan taabandoonta waan ku gudo-jiraa. Hadal haan ma buuxshee halkan guji! http://som.halearningtech.com/ ------------------------- Hassan A. Aden http://halearningtech.com
"Waxay sartay saawirtii kuwii soofaha marsaday" C.Askari (la vieille lame a fait saigner ceux qui l'ont affuté).