Passer au contenu principal

Ismaaciil C. Geelle degmada waa u halis

"IOG est un danger pour la région" est la traduction en français de l'article suivant que j'ai publié dans deux sites web somalilandais. J'ai fait cette publication en réponse à de nombreux écrits sur les activités de IOG dans la région nord-ouest de la somaliland. Ces derniers temps, les publications et les vives réactions des habitants de ce pays frère considérant que IOG est en train d'annexer une partie de leur territoire, sont légion.

En effet, Il a quelques semaines, une forte délégation djiboutienne conduite par les 5 personalités suivantes, s'est rendue à Zeilah:
  1. le Président de l'assemblée nationale M. Idriss Arnaoud Ali
  2. le ministre de l'intérieur,
  3. le ministre de l'Éducation nationale,
  4. le ministre du transport,
  5. le ministre de la Justice.

Dans cet article, j'explique que IOG est un danger pour paix, la stabilité et la coexistence pacifique entre les peuples de la région et qu'il fait tout cela pour détourner l'opinion publique de son projet de modification de la constitution. Ce n'est pas un secret : il mijote cette modification pour qu'il puisse briguer un nombre indéfini de mandats à l'instar de ces présidents/empereurs africains et arabes. Ce n'est pas non plus un secret que les djiboutiens sont majoritairement très hostile, à son projet. D'où, cette diversion. Voici le message, tel que publié, en langue somalie:

Ismaaciil Cumar Geelle degmada waa u halis

Walalayaal, maqaalkan waxaan ugu hal daray: “Ismaaciil Cumar Geelle degmada waa u halis”. “Oo calanshaan, leesh”? “Calashaan kida”! Waxan ahay muwaadin reer Jabuuti ah oo la yidhaa Xasan Cabdi Aadan. Waxaanan haatan ku noolahay dalka Canada, siiba magaalada Ottawa. Haatan ka hor, waxaan ahaan jiray macallin, dabadeed, principal, ugu dambayn, Computer application developer (programmer). 1990dii waxaan ahaa soo-saaraha 3 wargays oo madax banaan oo la odhan jiray:

  1. Horizon” oo uu lahaa xusbigii UDD ee ay diiday inay sharciyaayso xukumaddii la maroorsaday/reeraysta ee dabadeed laga dhigay dhaxaltooyada, ee kelidood-taliyaasha Guleed/Geelle!
  2. L’enseignant” oo ay lahayd sindikada macallimiinta dugsiyada dhexe/sare ee reer Jabuuti.
  3. L’Éducateur” oo ay lahayd sindikada macallimiinta dugsiyada hoose ee reer Jabuuti.

Is-barashadaa ka dib, maanta waynu wada ogsoonahay wacyiga ka taagan Jabuuti. Waxa kele oo aan wada ogsoonanahay, Xukuumadda ina-Geelle Batal, oo faro-gelin qayaxan ku haysa arrimaha Soomaliland (dalbalaadhsi tartiib-tartiib ah: maanta Saylac, Sacad-a-diin, Ceebaad… illaa Ceelgaal! berrina illaa halkee?). Xukuumadda ina-Geelle Batal oo Farogellin ku haysa, qandaraas furanna ku qaatatay arrimaha soomaaliya (450 askari oo reer Jaabuuti ah ayaa ka hawlgelaya Xamar). Waxase laakiin layaable, ninkaa ina-Geelle Batal ee haalkaa marayaa, waa nin dhulkii madaxweynaha looga dhigay, Qayb ka mid ah (Doumeira), uu haysto dal shisheeye (Erythrea)!

Hadal waa murti ambase mataataq eh, aniga oo ka tirsan maqaaridka Jabuuti, waxaan leeyahay arrimaha xumuudda waqtigii kasii dhacayo ee ina Geelle Batal ay kawaddo gudaha iyo debedda dalkayaga Jamhuuriyadda Jabuuti, maaha kuwo dano noogu jiraan, reer Jabuuti ahaan. Mahaa kuwo dani ugu jirto dadka aan wada dhalanay ee reer Soomaliland. Maaha kuwo dani ugu jiraan dadka aan walaalaha nahay ee reer Soomaaliya. Maaha kuwo dani ugu jirto nabadda, xasiloonida iyo wada noolaanshaha degmada Geerska Afrika iyo Badda Cas. Hadaba danuhuu ka leeyay Kelidii-Taliyaha ina Cumar Geelle faragellintaa, waa maxay? Waxay runtu tahay inuu ka leyahay labadan danood hoos ku qoran:
  • Xagga Soomaliland: Kelidii-taliyuhu, wuxuu abuurayaa ciiro iyo dhallaan-habaabis uu ku daahayo qorshaha uu doonayo inuu ku bedelo dastuurka dalkayaga oo aan ogolayn inuu mar sadexaad dib isku soo sharaxo. Kelidii-taliyuhu wuxu doonayaa inuu dadka wada dhashay ee Samaroon iyo Ciise (oo labadaba u kasoo jeedo) ee nabada ku wada nool, inuu ka dhex alooso xiisad dagaal, si, inta la’isku jeedo, isga, looga jeedo!

  • Xagga Soomaliya : Qandaraas furan ayuu qaatay si uu qasnadihiisa gunta dheer ee buux-dhaafay, usii buux-dhaafiyo!

Sidaa awgeed, anigu shaqsi ahaan, si aan uga qeybqaato isbedelka looga bahan yahay dalkayga Jabuuti iyo degmadiisa, sidii logu soo dabaalilahaa caddalad waarta, dimuqraadiyad dhab ah iyo wada noolaansho lagu wadaago nabad iyo caano, waxaan doorbiday inaan codkayka ku biirsho kuwa dalka, degmada iyo debedaba ka halgamaya. Markaa, halganka nin meelbuu kaga jiraayeh, waxaan wax ku qoraa, ugu yaraan 3dan meelood:

Bologroolka, anigaa iyaa si shaqsi ahaan ah u falleeya arrimaha Jabuuti (anoo huwan shaqsiyaadayda iyo muwadinnimadayda gaarka ah). Wesiteku se, waa mid ay wadaagto bah aan ka mid ahay oo ka kooban dakda xisseya ama wax ka qora arrimaha Jabuuti. Youtubekana waxaan ku uriyaa video iyo audio wixii aan ka soo saarro Ottawa.

Maqaaladaha boloogga “kulanbaded.blogspot.com” iyo kuwa bahda “djiboutii.net” waxay inta badan ku qoran yihiin afka faransiiska; kaaso ah afka qoomiyadaha kala duwan ee reer Jabuuti (soomali, cafar, carab, i.q.k.b.) ay ku wada hadlaan. Lakiin waxa dhacda inaannu wixii af-soomaali kusoo baxa, sidiisa aan u soo dayno. Masalo ahaan, waxa jira warar iyo faalooyin af-soomaali ah, oo uu soo daayo raadiyo madax banaan, oo ay sameeyeen mucaaridiin reer Jabuuti ah… Raadiyahaa oo layidhaa “Codka Jabuuti” (ama “La voix de Djibouti”) waxa hawada lagasii daayaa todobaadkii hal saaq (imika ahaan) fiidka maalinta khamiiseed, 6:30pm illaa 7:30pm (saacadda Afrikada-Bari). Raadiyuhu wuxuu kasoo galaa hawada hilinka 15165 khz ee mawjadda gaaban ee 19m. Waxa kaloo laga dhegeysan karaa: http://www.lavoixdedjibouti.com/.

Walaalyaal, dadkayaga reer Jabuuti ee qurbajoogu, waxaanu wararka dalkayaga ka hellaa, inta badan, wargeysyada Soomaliland iyo, kuwa shisheeye sida BBC, RFI, VOA… Waxa taa sobobay, argagiriso, xakamayn, caqo-juglayn iyo dhego-dhegayn ayku hayso xukuumadda xumbada qab-qabsanaysa, ee ina Geelle, dhamaan isgaadhsiita dalka (telephon, internet…)!

Waad mahadsantihiin.

Xasan C. Aadan
hassan.aden@ncf.ca

Commentaires

  1. Bravo, cousin c'est souleiman abdi houssein fils de Abdi Boudleh je te felicite pour interview que vous aviez pris du celebre chanteur Abdirahman ali hersi et vos commantaires dans ce journal.

    RépondreEffacer

Publier un commentaire

Messages les plus consultés de ce blogue

Qui est quoi?

Comme je m'y attendais un peu, mon article sur les autochtones de Djibouti a provoqué une avalanche de réactions. Certaines ont été laissées en commentaires dans le blog lui-même (je vous laisse le soin d'y jeter un coup d'œil) et d'autres m'ont été envoyées directement sous forme de courrier électronique. J'ai même reçu quelques menaces (indirectes). J'ai donc jugé bon de revenir sur le sujet non pas pour changer de cap, mais pour le maintenir! Chers compatriotes, ce qui est bien dommage, c'est que la plupart des réactions proviennent de parfaits anonymes. Ce genre d'attitude me rappelle les «shadirré» , ces tristement célèbres indics qui dénonçaient les leurs aux français pendant les années de la lutte pour l'indépendance, en se cachant derrière un voile noir (shadir). Ceux qui se cachent sont des «shadirré». Rien de moins. Sinon pourquoi cachent-t-ils leurs identités? Pourquoi cachent-t-ils leurs visages et leurs noms? C'est simple.

SOOMAALI IYO XABASHI

A) HORDHAC: Qoraalkeygan waxa sobobey Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka hadlaya waxa ugu magac daray “Gardarrada Ethiopia & Xasuuqa shacabka Soomaaliyeed” oo aan dhowaan ka daawaday shabakadda Saylicipress.net. Shirkaas oo la qabtay, sida sawirka ka muuqata, 2007dii, laakiin anigu dhowaan aan daawaday. Inkasta oo murtida hadalka C.I. Samatar (oo ah aqoonyahan weyn ah) aan u qushuucay, hase yeeshee waxaan ka soo horjeedaa in uu nin heerkaas ihi istimaalo ereyga Itoobiya! Walaaca aan ka qabo isticmaalka ereygaa (oo maanta la iska qoro amma la’iskaga dhawaaqo fiirsi la'aan) iyo cawaaqibka dambe ee uu ku yelandoono jiritaanka iyo qarannimada Soomaalida ayaa keenay inaan qayladoontan idiin soo qoro. Bal markaa, waxaan idiin soo hormarinayaa shantan su'aalood. Horta ereyga Itoobiya (Ethiopia) goormaa la sameeyay? Ayaa sammeeyay? Ujeedadee laga lahaa, walina laga leeyahay? Guud ahaan, iyo gaar ahaanba, ayay dani ugu jirtaa isticmaalkiisa? Qofka soomaaliga ah, meeshuu do

Qui est prêt pour remplacer IOG?

En lisant ici et là l'actualité sur notre pays, en provenance aussi bien du régime que de toutes les oppositions, une question m'est venu à l'esprit : « qui est prêt à remplacer IOG, aujourd'hui? ». Certains souriront. Moi, pas! Voici pourquoi. Chers compatriotes de gré ou de force, un jour, IOG va partir . Rappelez-vous : Menghistu, Syad Barreh, Arap Moi, Hassan Gouled... Ils sont tous partis. D'une manière ou d'une autre. Si M. IOG partait aujourd'hui, qui pourrait le remplacer sans heurt. Sans violence. Sans une autre guerre civile. Sans verser une goutte de sang. Cette question m'a beaucoup cuisiné, tellement la réponse est loin d'être évidente, pour moi en tout cas. Qui est assez rassembleur tout étant crédible? Qui a un passé sans taches? Qui est compétent et honnête, à la fois?.. Qui mérite d'être notre prochain président? Dans notre région troublée, des hommes comme Syad Barreh et Menghistu ont quitté le pouvoir par la porte de servi