Waxaan maqaalkan ka soo xigtay Raadyoo Kulanka oo laga sii daayo inteernetka ( http://kulanka.com/ ). Raadiyahaa oo ila yeeshay waraysi 22kii Nofembar ee sanadkan 2009ka. Maqaalkii oo aan sidiisa u soo daayay waakan : arag iyo maqal (riix barta "play" ee sawirka dusha) amba, ka akhriso ( hoos) qoraalkii wariye Maxamed Xuseen : “Xasan Cabdi Adan oo in labaatan sano ka shaqeeyay wasaarada tacliinta kamid ah barayaashii ugu horeeyay ee dalka ka hawlgala gobonimada Jabuuti kadib oo waraysi siiyay shabakada kulanka.com. Xasan Cabdi waxa uu sheegay in siyaasi ahayn xisbina ka tirsanayn lakiin xaalada dalku ku sugan yahay dhibayso : " Waxaan ahay wadani ka damqanaya dhibaatada dalku ku jiro ". Kadib furfurkii siyaasada Jabuuti ee 1992 Xasan Cabdi Adan iyo barayaal kale waxa ay asaaseen urur danaha barayaasha u dooda. Kadib markii ururadii bulshada iyo mucaaradka taliska Jabuuti burburiyay ayuu Xasan aaday Kanada mudo 10 sano naga xigta. Xasan waxa uu sheegay in khalad...
"Waxay sartay saawirtii kuwii soofaha marsaday" C.Askari (la vieille lame a fait saigner ceux qui l'ont affuté).