Waxaan maqaalkan ka soo xigtay Raadyoo Kulanka oo laga sii daayo inteernetka (http://kulanka.com/). Raadiyahaa oo ila yeeshay waraysi 22kii Nofembar ee sanadkan 2009ka. Maqaalkii oo aan sidiisa u soo daayay waakan : arag iyo maqal (riix barta "play" ee sawirka dusha) amba, ka akhriso (hoos) qoraalkii wariye Maxamed Xuseen:
“Xasan Cabdi Adan oo in labaatan sano ka shaqeeyay wasaarada tacliinta kamid ah barayaashii ugu horeeyay ee dalka ka hawlgala gobonimada Jabuuti kadib oo waraysi siiyay shabakada kulanka.com.
Xasan Cabdi waxa uu sheegay in siyaasi ahayn xisbina ka tirsanayn lakiin xaalada dalku ku sugan yahay dhibayso : " Waxaan ahay wadani ka damqanaya dhibaatada dalku ku jiro ".
Kadib furfurkii siyaasada Jabuuti ee 1992 Xasan Cabdi Adan iyo barayaal kale waxa ay asaaseen urur danaha barayaasha u dooda. Kadib markii ururadii bulshada iyo mucaaradka taliska Jabuuti burburiyay ayuu Xasan aaday Kanada mudo 10 sano naga xigta.
Xasan waxa uu sheegay in khalado lagalay markii dalku xoriyada qaatay. Halkii isbadil run ah laga sugayay waxa la sii waday ku dhaqanka nidaamkii gumaysiga. Wadaniyiintii isbadilka runta ah rabay waa la dilay sida Janaale.
Maxamad Xuseen waxa uu waydiiyay xasan in xisbiga RPP ee talada dalka haya 1977 ilaa maanta in harawmar iyo dimuqraadiyad Jabuuti u keenay. Xasan waxa u yidhi jawaabtu way gaabantahay waa maya.
Xasan Cadi waxa uu sheegay in dalku rajo leeyahay hadii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele jagada ka dago 2011. Hadiise uu ku dhago kursiga burbur iyo dhibaato ayaa imani sida aan ku aragnay wadanada kali taliye hogaaminayay.
Xasan cabdi Adan waxa uu sheegay in haweenka la'aantood isbadil dhacin dhacina doonin. Dhalinyarada iyo haweenka ayaa dalka gumaysiga farasiiska ka xoreeyay maantana waxa wanaagsan in kaalintoodii buxiyaan. Wax laga xumaado ayuu Xasan ku tilmaamay sida haweenku codkooda uga dhiiban shirkii ka dhacay aqalka magaalada Ottawa (City Hall) sabdi 31da october 2009”.
Bien sure que tes propos sont tres sages cette fois-ci.
RépondreEffacerMes propos sont très sages CETTE fois-CI?
RépondreEffacerYa damn' right!
Sages ou pas sages. mes propos sont LES MÊMES TOUT LE TEMPS. Ce qui change, c'est le coeur, la raison, les intérêts, la motivation, voire... la couleur et le clan des ceux et celles qui les lisent.