Passer au contenu principal

Ottawa: Sanad guurihii 21aad ee dhacdooyinkii 27kii september, 1990kii

Malinta Salaasada ee 27ka bishan september ee inagu soo eeddan ayaa ku beegan sanadguurihii 21aad ee shirqoolkii bahalnimo ee ay ka geysteen ciidamada jaajuuska ee Jabuuti, badhtamaha caasimadda dalka, meesha la yidhaa "Café de Paris". Shirqoolkaa oo ay ku qudh-waayay 2 carruur ah, Tobanaan ruux oo kelena ku dhaawacmeen, waxa laga lahaa Ajande (Agenda) siyaasadeed, bes oo keli ah!

Inkasto muddo kasoo wareegtay, waxaan wada ognahay waddamiddii "bariga" ee ku xidhiidhsanaa dalkii la odhan jiray Midowga Sovietiig inay sii burburayeen, min mijihii 80nadii, illaa madaxii 90nadi. Addunka waxa waayahaa ka tagnaa rajo weyn oo lagu filayay dhamaadkii xukumadaha kelidood-taliyeyaasha dhega-adag (inkastoo aynu maanta aragno, ninna ha la yaraato, ninna ha la badnaatee, guud ahaan iyo gaar ahaamba, waxa ka hir-galay arrimahaa!).

Hadaba, iyada oo laga shidaal qaadanayo wacyigaa gaarka ah ee taagnaa xilliyadaa, iyaa xukuumaddi madax-weynihii Faransiiska et la odhan jiray François Mitterrand ay u hawl-gashay ina ay ka hir-geliso waxa ay ugu yeedhay "isbeddlo dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed" wadannada Afrika ee ku hadla afka Faransiis, sida Jabuuti. Sidaa awgeed waxa dawladda Faransiisku isku xidhay cadadka kaalmada dhaqaale ee ay u fidiso dalalkaa iyo inta u leegtahay isbedelka ay kolba sameeyaan. Taasi waxay keentay Jabuuti oo markii u horeysay u orodda xaggaa iyo IMF iyo World Bank iyo isla markaana, shacabka reer Jabuuti oo hurdadii dheerayd ee ay galisay irbadda sunta ah ee xisbiga RPP, ka toosa.

Waayadaa, xukuumaddi xisgiga 4ta Mars (RPP) ee keli-taliye Xasan Guuled Abtidoon iyo xulifadiisu aad bay uga xumaadeen isbedelkaa Faransiisku soo waday. Taas oo ay ku tilmaameen "abaal-darro Faransiis" ama, "faro-gellin Faransiis kula kaqayo xornimada dalka" ama, "shirqool Faransiiska bidix" ka wado Afrika... Waxa suuqyada Jabuuti la soo gelliyey, in, haddi Faransiis uu "sh'uun a' daakhiliga" farahaba la gallay, in lagaba maarmi karo, ideylkiiba! Waxa kele oo Guuled intii ku xeerrayd ay kuurgaleen in la gilgilo danaha Faransiis ee dalka iyo degmada, iyo waliba, in argagixiso la geliyo dadka Faransiiska ka jooga Jabuuti!

Waa kuwaa, aan isku daynay inaan meelgaban idinka taabsiiyo, xaqiiqooyinka ka dambeeyay shirqoolkii Café de Paris ee 27kii September 1990kii. Koow: Faransiisbaa lagula baayactamayey oo lagu dhafoor-taabanayey shirqoolkaa. Laba: Ummadda reer Jabuuti ee wada-dhalatay iyaa lagu jaha-wareerinayey, oo lagu kala jabinayey, warmona la iskugu dhiibayay, si looga jeediyo wax Allah wixii is-bedel-doon siyaasadeed ah.

Si taa loo helo, "muhandisyada" xukuumaddu waxay talo ku gaadheen in ay siiba magac-dhabaan ciddii shirqoolka loo ciqaabilahaa, shirqoolkaba ka hor. Waxay ku talliyeen nimankii qorshahaa loo xil-saaray, inay qoorta u sudhaan dhagartaa, qoomiyadda Gadabuursi oo ka mid ah qoomiyada tarrikhda ku le dalka. Xaxa markiliya la sara-joojay dalku wuxu cudud lahaa (Cidanka, Booliska, Jaandaaranka, Jaajuska SDS, etc.) si midxinka(*) loo mariyo ummaddaa aan wabla galabsan.

Intii u dhexaysey 27kii September 1990kii iyo bilowgii bisha November 1991kii kumayaal qof oo ka dhashay Gadabuursi iyaa la xidh-xidhay billa xukun ama, jidh-dil loo gaystay ama, dalka debedda looga tuuray kabo la'aan ama, loo dilay si aadamnida ka baxsan iyadoon loo kala eegin carrur iyo cirroole, dhidig iyo labood, gashaan-qaad iyo hawl-gab... Waxa sida turubka loogu dheelay oo haadka iyo harraadka loo loogay dadkaa, keliya, Gadabuursay ahayeen!

Hadaba, maanta, 21 sano ka dib maxaa is-bedelley. Jawwaabtu waa waxba haba yaratee, wax kasii dhaca mooyaan e. Xukummada la iska dhaxlay ee dalka ka amar-ku-taaglaysa min 1977kii illaa maanta, cisho walba mid ka mid ah qoomiyadaha walaalaha ah ee reer Jabuuti ayay si gaar ah u xassuqdaa. Shalay Gadabuursi, maanta Cafar iyo Ciise oo qayb ah. Haddii aan la iska qaban, berrina, kollay Issaaq ama Carab...

Sidaa daraadeed dadka reer Jabuuti ee dalka gudihiisa iyo kuwa dacallada aduunyada ku ku nool, waxaan weydiisanaynaa inay xussustaan xasuuqaa bahalnimo iyo kuwii kele ee ka dhacay ama wali kasii taagan, dalkeena.

Waxa kele oo aan dadka reer Jabuuti iyo dhammaan dadka kele ee nabadda, wada-noolansha iyo sinaanta jecel, ee ku nool degmada Magaaladan Ottawa, ka dalbaynaa inay nagalasoo qaybagalaan munaasabad lagu xusuusanayo dhacdoyiinkaa ka dambeeyey shirqoolkaa. Munaasabaddaasi waxan ku qaban doonna, haddi Eebbe idmo, hareeraha "ololka 100 jika" ee Baarlamanka Canada (Parliament Hill) maalinta sabtida ee 1da bisha October, min 11ka barqo, illaa 1da duhurnimo.

Walaalayaal, ujeedada aan ka leenahay arrinta, ayan laga amban! Mahaa in midiyo la'iskugu dhiibo dadka wada dhasay ee reer Jabuuti. Maha xus e waa xusuus, waxaan wadnaaa. Xusustaa, oo aan leenahay, wixii qaarkeen shalay ku-dhacay, ee wali, maantana, qaarkeenkele ku dhacaya, ha la xussusnaado oo, yaan la illawin si inta ay kusoo socoto dhibtu uga badbaadaan, barrito. Waxa kele oo aan u banaan-baxaynaa in dalbanno in caddaladdi iyo sinaantii loogu soo dabaalo dalkeena hooyo. Xusuustu waa waajib, xumaantuna reeban!

Hassan Aden
(ururka APDDP) Association pour la promotion de la démocratie et du droit de la personne

----------------------------------------------------------------------------------------------
(*) Sida loo yaqaan Jabuuti, Midxinku waa dhagaxa ballaadhan ee lagu ridqo waxyaabaha sida basbaaska, hadhuuka, iwm!

Commentaires

Messages les plus consultés de ce blogue

Qui est quoi?

Comme je m'y attendais un peu, mon article sur les autochtones de Djibouti a provoqué une avalanche de réactions. Certaines ont été laissées en commentaires dans le blog lui-même (je vous laisse le soin d'y jeter un coup d'œil) et d'autres m'ont été envoyées directement sous forme de courrier électronique. J'ai même reçu quelques menaces (indirectes). J'ai donc jugé bon de revenir sur le sujet non pas pour changer de cap, mais pour le maintenir! Chers compatriotes, ce qui est bien dommage, c'est que la plupart des réactions proviennent de parfaits anonymes. Ce genre d'attitude me rappelle les «shadirré» , ces tristement célèbres indics qui dénonçaient les leurs aux français pendant les années de la lutte pour l'indépendance, en se cachant derrière un voile noir (shadir). Ceux qui se cachent sont des «shadirré». Rien de moins. Sinon pourquoi cachent-t-ils leurs identités? Pourquoi cachent-t-ils leurs visages et leurs noms? C'est simple.

SOOMAALI IYO XABASHI

A) HORDHAC: Qoraalkeygan waxa sobobey Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka hadlaya waxa ugu magac daray “Gardarrada Ethiopia & Xasuuqa shacabka Soomaaliyeed” oo aan dhowaan ka daawaday shabakadda Saylicipress.net. Shirkaas oo la qabtay, sida sawirka ka muuqata, 2007dii, laakiin anigu dhowaan aan daawaday. Inkasta oo murtida hadalka C.I. Samatar (oo ah aqoonyahan weyn ah) aan u qushuucay, hase yeeshee waxaan ka soo horjeedaa in uu nin heerkaas ihi istimaalo ereyga Itoobiya! Walaaca aan ka qabo isticmaalka ereygaa (oo maanta la iska qoro amma la’iskaga dhawaaqo fiirsi la'aan) iyo cawaaqibka dambe ee uu ku yelandoono jiritaanka iyo qarannimada Soomaalida ayaa keenay inaan qayladoontan idiin soo qoro. Bal markaa, waxaan idiin soo hormarinayaa shantan su'aalood. Horta ereyga Itoobiya (Ethiopia) goormaa la sameeyay? Ayaa sammeeyay? Ujeedadee laga lahaa, walina laga leeyahay? Guud ahaan, iyo gaar ahaanba, ayay dani ugu jirtaa isticmaalkiisa? Qofka soomaaliga ah, meeshuu do

Qui est prêt pour remplacer IOG?

En lisant ici et là l'actualité sur notre pays, en provenance aussi bien du régime que de toutes les oppositions, une question m'est venu à l'esprit : « qui est prêt à remplacer IOG, aujourd'hui? ». Certains souriront. Moi, pas! Voici pourquoi. Chers compatriotes de gré ou de force, un jour, IOG va partir . Rappelez-vous : Menghistu, Syad Barreh, Arap Moi, Hassan Gouled... Ils sont tous partis. D'une manière ou d'une autre. Si M. IOG partait aujourd'hui, qui pourrait le remplacer sans heurt. Sans violence. Sans une autre guerre civile. Sans verser une goutte de sang. Cette question m'a beaucoup cuisiné, tellement la réponse est loin d'être évidente, pour moi en tout cas. Qui est assez rassembleur tout étant crédible? Qui a un passé sans taches? Qui est compétent et honnête, à la fois?.. Qui mérite d'être notre prochain président? Dans notre région troublée, des hommes comme Syad Barreh et Menghistu ont quitté le pouvoir par la porte de servi