Banaanbax ka dhan ah keli-taliyaha Ismaaciil Cumar Geelle iyo isusoo sharaxaadda madaxnimo ee aan wafasanayn dastuurka (oo dhigaya qofna inaanu hayn karin laba goor wax ka badan, madax-weyne nimada Jamhuuridda Jabuuti) iyaa shalay (19 Feb 2011 min 1:00 illa 2:30 gallinka dambe) lagu qabtay sabadka Baarlamanka Canada ee ku yaal caasimadda Ottawa.
Banaan-baxaa Ottawa waxa lagu tageerayey banaanbaxyadii ka dhacay Jabuuti jimcihii 18kii Feb. 2011ka ee ay soo ababuleen dhammaan kooxaha iyo xisbiyada macaaridka ee Jabuuti iyo waliba, ururada u halgama xuquuqda aadamiyaha.
Wararkii u dambeeyay waxay shegayaan kumayaal jeelasha loo taxaabay bilaa xukun oo qaar lagu hayo xerooyinka ku yaal gudaha iyo debeda caasimadda Jabuuti ee ay leeyihiin cidamadu (Boolis, Qoofiyad cas, Milatari...). Dadka la hayo, waxa ka mid ah: Jean-Paul Cabdi iyo Faarax Aabadiid Xildiid.
Waxa kele oo la sheegayaa dhimasho dhowr ah oo laakin muran badani ka taagan yahay tirakoobkeeda. Waxa se aan shaki ka jirin in ay dhimasho jirto. Taa waxa ka marag ah, wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin Cilmi Buux oo saxaafadda ku yidhi: "hambalyo ayannu u diraynaa 2dii askari ee lagu dilay iyaga oo shicibka daafacaya" (waa hadalka sida uu u dhigay eh).
Wasirka oo jaha wareer badani wajigiisa ka muuqdo ayaa "hambalyo" ka hadlay meel ay geriyi taal, sidii Xasan Guuleed oo geridii Idiris Faarax Cabane, ka yidhi: "Allahu akbar wa fatax wa nasar". Waxa kale oo is waydiin leh cidda 2da askari ay daafacayeen iyo cidda ay ka daafacayeen iyo waliba cidda askarta laysay.
Ka daawo halkan banaanbixii Ottawa (19.02.2011) oo ay kumahadsan yihiin www.kulanka.com.

Commentaires
Publier un commentaire